Klopp oo ka warbixiyay horumarka ugu dambeeyay xalada dhaawacyo ee xidigaha Alexander-Arnold iyo Wijnaldum

(Liverpool) 25 Jan 2019. Tababare Jürgen Klopp ayaa ka warbixiyay horumarkii ugu dambeeyay ee xaalada dhaawacyada labadiisa ciyaaryahan Alexander-Arnold iyo Georginio Wijnaldum.

Alexander-Arnold ayaa lala xiriirinayay inuu garoomada ka maqnaan doono mudo dhan bil, kadib dhaawacii kasoo gaaray dhanka jilibka.

Laakiin 51 jirka leeliya kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay suurtagalnimada uu ciyaaryahankan ugu soo laaban karo sida ugu dhaqsida badan, marka loo fiiriyo mudada loo mudeeyay.

“xaalada uu ku jiro waa mid aad u fiican, lakiin waa inaan aragnaa, waa in xaalada ay noqoto mid xasiloon, ilaa iyo haatan, way xasiloon tahay, waxayna ku xirantahay xanuunkiisa”

“Mudada maqnaanshihiisu ma dheeraan doonto, laakiin ma aqaano hadii uu diyaar u noqon doono iyo hadii kale kulanka Leicester City, balse waan soo bandhigi doonaa arintaas”.

Intaas kadib tababare Jürgen Klopp ayaa wuxuu ka hadlay xaalada ciyaaryahanka reer Holand ee Georginio Wijnaldum wuxuuna yiri:

“Wijnaldum wuxuu ku jiraa xaalad wanaagsan, wuxuu maanta qeyb ka ahaa tababarka, kadibna waa inaan aragnaa jawaab-celintiisa, waxaan rajeeneynaa inuu diyaar noqon doono”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close