Solari oo ka hadlay kulanka caawa ee Girona iyo sida Real Madrid uu muhiim ugu yahay hanashada Copa del Rey

(Real Madrid) 24 Jan 2019. Tababare Santiago Solari ayaa xaqiijiyay sida uu muhiim ugu yahay tartanka Copa del Rey kooxda Real Madrid, si la mid ah horyaalka La Liga iyo tartanka Champions League.

Real Madrid ayaa caawa kula ciyaari doonta garoonkeeda Santiago Bernabeu kooxda Girona, kulanka lugta hore wareega siddeed dhamaadka ee tartanka Copa del Rey.

42 jirka leyliya kooxda Real Madrid ayaa kahor kulankan kasoo muuqday shir jaraa’id wuxuuna kaga hadlay dhowr arimood ee quseeya kooxdiisa wuxuuna yiri:

“Waxaan u maleenayaa in ay dhiiragal u tahay kooxda, ka mid noqoshada tartamada oo dhan”.

“Ma arko wax farqi ah ee u dhaxeeya kulamada La Liga iyo Copa del Rey, qof walbana wuu ciyaari doonaa”.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan sameyno isla qaab ciyaareedkii aan ku hor sameynay kooxda Sevilla kulankii La Liga, iyo sida aan u ciyaarnay qaar ka mid ah kulamada hore”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close