SAWIRRO: Xiddigaha Man United oo Tareen ugu safray London ka hor kulankooda habeen dambe ee Arsenal balse Goolhaye De Gea….

(England) 24 Jan 2019. Xiddigaha Manchester United ayaa Tareen ugu safray Magaalada London ka hor kulankooda habeen dambe ee Arsenal wareega 4-aad ee tartanka ugu Qadiimsan England ee FA Cup.
David De Gea kama mid ahayn xiddiga Red Devils ee Tareenka ku safray, lama garanayo sababta haddii ay tahay qorshe Farsamo iyo haddii uu dhaawac qabo.
Goolhaye ku xigeenka Man United Sergio Romero ayay u badan tahay in lagu soo bilaabi doono kulanka habeen dambe waxaana sidoo kale xiddigaha safray ka mid ahaa goolhayaha Afaraad ee kooxda Joel Pereira.
SAWIRRO:
Gool FM.