RASMI: Laacibkii Chelsea John Obi Mikel oo dib ugu soo laabtay Horyaalka Ingiriiska…(Lambarkee loo Xiray)+SAWIRRO

(England) 24 Jan 2019. Xiddigii hore ee qadka dhexe Chelsea John Obi Mikel ayaa dib ugu soo laabtay Horyaalka Ingiriiska kaddib markii uu ku soo biiray naadiga Middlesbrough ee ka ciyaarta heerka labaad ee Premier League.

Mikel oo Kabtan u xirnaa xulkiisa Nigeria Koobkii adduunka ee sanadkii tagay ayaa ka soo tagay naadiga reer Shiinaha ee Tianjin TEDA bishii November wuxuuna kooxdiisa Cusub la joogi doonaa inta ka harsan kal ciyaareedkan.

Waxaa loo xiray Lambarka 2-aad ee kooxda isagoona durba tababarka la bilaabay.

Middlesbrough ayaa rajeynaysa in khibrada uu 31-jirka u leeyahay ku guuleysiga Premier League uu uga caawiyo inay kooxda u soo dalacdo horyaalka koowaad ee dalka.

John Obi Mikel ayaa 11-sano uu joogay Stamford Bridge kula guuleystay labo jeer Premier League, 3-jeer FA Cup, League Cup, Europe League iyo waliba Champions League, ugu yaraan 400-kulan ayuuna u saftay Blues.

SAWIRRO:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close