Manchester City oo Noqotay Kooxdii labaad oo si xariira u gaarta finalka Caraboa Cup ..…+SAWIRRO

( Caraboa Cup ) 24 Jan 2019. Manchester City ayaa gaartay finalka Carabao Cup kaddib markii ay 10-0 wadar gooleed ah ku dhaafay kooxda horyaalka heerka seddaxaad ama League One ee Burton wareega afar dhammaadka.
Kl hore ayay City xaqiijisay iney usoo gudubtay finalka markii dheeshii lugta hore ay ku adkaatay 9-0 laakiin Pep Guardiola ayaa weli safkiisa u magacaabay qaar kamida xiddigaha kooxda kowaad.
Sergio Aguero ayaa dhaliyay goolka qura oo ay ku adkaadeen markii uu baas ka helay Riyad Mahrez oo si aad u qurux badan ula soo cayaaray kubbad Kevin de Bruyne.
Burton ayaa sameeysay hal fursad kulanka laakiin shuudka uu tuuray Will Miller ayaa laga saaray diilinta goolka.
Difaacayaasha koobka EFL ee City ayaa wajihi doonta Chelsea amam Tottenham finalka ka dhici doona Wembley Axad, 24-ka February kooxda Guardiola ayaana noqotay naadigii labaad oo si xariira u gaara finalka League Cup kaddib Manchester United oo 2008-09 iyo 2009-10 gaartay kama dambeysta koobkan.
Gool FM.