La’aanta Messi Barcelona oo Qasaaro kala soo Laabatay Sevilla Lugta hore ee Siddeed dhammaadka Copa Del Rey…+SAWIRRO

( Cope Del Rey ) 24 Jan 2019. Barcelona oo afartii sano ee lasoo dhaafay ku guuleysaneysay koobka boqrka ayaa haatan halis ugu jirta iney ka haraan tartanka kaddib markii guuldarro 2-0 ay kala kulmeen Sevilla lugta hore ee siddeed dhammaadka Cope Del Rey.
Kulanka ayaa qeybta hore lagu kala maray goolal la’aan 0-0 ah.
Pablo Sarabia ayaa hogaanka u dhiibay kooxda markii uu dhameystiray diib uu soo dhigay Quincy Promes.
Intaa kaddib Wissam Ben Yedder ayaa goolka labaad u dhaliyay kaddib markii ay ku dhacday darbad uu soo tuuray Ever Banega.
Kulankan Barcelona ayaa nasisay Lionel Messi iyagoo kulankii ugu horreeyay cayaarsiiyay saxiixa cusub Kevin-Prince Boateng, laakiin waxaa lagu badalay Luis Suarez qeybta dambe ee dheesha.
Naadiga ka dhisan gobolka Catalans ayaa ku guuleysatay koobkan afartii sano ee lasoo dhaafay, waxayna laba kamida ka qaadeen Sevilla waana – 2-0 finaalkii 2016 iyo 5-0 2018. Waqtigii u dambeyay oo ay Barca ku fashilmato iney garaan finalka koobkan waxay aheyd xagaagii 2012-13.
Gool FM.