Kadib soo laabashada Alexis Sánchez …(Eeg shaxda laga yaabo in tababare Solskjær uu kusoo galo kulanka Habeen dambe ee Arsenal)

(England) 24 Jan 2019. Wargeyska “Daily Express” ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday shaxda la filayo inuu ku soo gali doono macalinka kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjær kulanka habeen dambe ay kooxda Arsenal ku wada ciyaari doonaan koobka FA Cup.

Macalinka ku meel gaarka ah ee kooxda Manchester United Ole Gunnar Solskjær ayaa wuxuu go’aansaday in shaxda Red Devils uu ku soo darsado Alexis Sánchez si uu u wajaho kooxdiisii hore ee Gunners.

Tababare Solskjær ayaa sheegay inuu nasin doono kulanka Arsenal goolhaayaha cajiibka ah ee David de Gea, wuxuuna badalkiisa ciyaarsiin doonaa Sergio Romero, sidoo kale waxaa kulankan qeyb ka noqon doono xidigaha Luke Shaw iyo Eric Bailly, kadib markii ay kasoo kabteen dhaawacyo ay qabeen.

Kulanka habeen dambe ay ku wada ciyaari doonaan kooxaha Manchester United iyo Arsenal wareega afar dhamaadka ee koobka FA Cup ayaa wuxuu ka dhici doonaa Emirates Stadium.

Hadaba shaxda la filayo in uu ku soo gali doono tababare Solskjær kulanka Arsenal ee habeen dambe ayaa ah:

Goolhaaye: Sergio Romero.

Difaacyada: Shaw, Bailly, Lindelöf, Valencia.

Khadka Dhexe: Matić, Herrera, Pogba

Weerarka: Sánchez, Lukaku, Rashford.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close