HORDHAC: Chelsea v Tottenham

( Caraboa Cup ) 24 Jan 2019. Chelsea ayaa marti qaadeysa dhigeeda Tottenham lugta labaad ee afar dhammaadka Caraboa Cup.

Is araga dheeshii hore Spurs ayaa ku awood roonaatay 1-0, waxaana Blues looga baahan yahay laba gool iyo wax ka badan si ay u gaarto finaalka koobkan.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Caraboa Cup

Waqtiga: 10:45 pm ( SGA )

Garsooraha: Martin Atkinson

Garoonka: Stamford Bridge

Wararka Kooxaha

Chelsea ayaa heli doonin weeraryahankooda cusub ee Gonzalo Higuain kulanka caawa ee lugta labaad afar dhammaadka Carabao Cup la qaadanayaan Tottenham madaama aan wali fulin lagu dhameystirin heshiiska laacibkan.

Blues – taa oo 1-0 ku qasaartay lugii hore – ayaa weerarka kusoo bilaabi doonta Eden Hazard ama Olivier Giroud.

Tottenham ayaa laga yabaa iney hesho Lucas Moura iyo Moussa Sissoko kusoo dhaawacyo kasoo laabtay.

Dele Alli iyo Harry Kane ayaa kooxda ka maqnaan doona ilaa bisha March kaddib markii dhawaan ay dhaawacmeen halka Son Heung-min uu ku maqan yahay waajibaadka xulkiisa oo ka qeyb qaadanaya koobka Asia.

Fernando Llorente ayaa la filayaa inuu weerar u cayaaro, waxaa kula soo bilaaban kara xiddiga la hilaamay waa yadaan ee Vincent Janssen inkastoo uu haatan dhibaato dhaawac qabo.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Chelsea ayaa qasaartay labadii kulan oo ay xagaagan kulmeen Tottenham – waqtigii u dambeyay oo ay seddax guuldarro kala kulantay koox kaliya waxay aheyd Manchester City 2012-13.

Tottenham ayaa eegeysa iney guuleysato kulankii afaraad oo xariira oo la cayaareyso Chelsea dhammaan tartamada markii u horreysay tan iyo shan kulan xariira intii u dhaxeysay March 1961 iyo September 1963.

Chelsea ayaa guuldarreysan kulamo xariira oo ay garoonkeeda kula cayaartay Spurs dhamman tartamada tan iyo March 1982.

Waqtigii u dambeyay oo ay Tottenham garaacday koox seddax hal xagaa waxay aheyd xilli cayaareedkii 2013-14-kii waana Aston Villa.

Shaxda la Fili karo

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close