Xiddigaha ugu Xawaaraha Badan horyaalka La Liga oo la Shaaciyay iyadoo aysan Kamid noqon Midkood Bale iyo Dembele

( La Liga ) 23 Jan 2019. Qaar kamida cayaariyahanada ugu dhakhsiyaha badan kubbada cagta adduunka ayaa ka dheela horyaalka LaLiga Santander, laakiin weli waxaa jira dhawr arimood oo xiiso leh marka aad eegto qiimeynta xiddiga ilaa haatan ugu xawaaraha badan horyaalka xagaagan.

Laacibiinta sida Gareth Bale, Ousmane Dembele iyo Luis Advincula ayaa inta badan leh orod xawaara ah, laakiin midkooda kama uusan mid noqon shanta ugu sareysa cayaariyahanada ugu dhakhsiyaha badan.

Sida laga soo xigtay Movistar+’s ‘El Tercer Tiempo’ show, kuwani waa xiddiga ilaa hadda ugu xawaaraha badan horyaalka Spain.

Image result for Bale and Dembele

Laacibiinta ugu dhakhsiyaha badan LaLiga Santander ayaa kala ah

  1. Sergio Postigo (Levante), 34.99 km/h…Kilometre saacadiiba
  2. Portu (Girona), 34.99 km/h…Kilometre saacadiiba
  3. Ximo Navarro (Alaves), 34.97 km/h…Kilometre saacadiiba
  4. Jony (Alaves), 34.95 km/h…Kilometre saacadiiba
  5. Inaki Williams (Athletic), 34.91 km/h…Kilometre saacadiiba

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close