Unai Emery oo ka hadlay qorshahooda kaga aadan suuqa kala iibsiga, isagoo dhinaca kale fariin u diray taageerayaasha Arsenal

(Arsenal) 23 Jan 2019. Macalinka kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Gunners ay ka shaqeyneyso sida ay ku sameyn lahayd hal ama labo saxiix, kahor dhamaadka suuqa qaboobaha.

Unai Emery ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada Sky Sports ayaa wuxuu ku sheegay:

“Ma doonayo inaan tilmaamo qaar ka mid ah ciyaartoyda, laakiin waan ogahay in kooxda ay ka shaqeyneyso sida ay ku sameyn lahayd saxiixyada ciyaartoy qaar, kuwaasoo si weyn inoo caawini kara afarta bilood ee soo aadan”.

“Waxaan dooneynaa inaan shaqaaleysiiyo ciyaaryahan ama labo si ay inoo caawiyaan, gaar ahaan kadib dhaawacyad soo gaaray xidigaha Hector Bellerin, Danny Welbeck iyo Rob Holding”.

“Laakiin sidoo kale waxaan ku ciyaari karnaa ciyaartoyda haatan la heli karo ee aan heysano”.

“Waxaan sidoo kale fariin la wadaageynaa qof walba ee ka tirsan jamaahiirta kooxda, hadii ay jirto suurtagalnimo aan ku sameyn karno saxiixa ciyaaryahan weyn waan sameyn doonaa”.

“Waxaan u baahanahay inaan xoojino garabka, hadii uu jiro ciyaaryahan naga caawin kara booskaan, laakiin waxa ugu muhiimsan ayaa ah wax ku oolnimada”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close