Saxiixii ugu Qaalisanaa kooxda Cardiff oo NOLOL iyo GEERI la la’yahay kaddib Markii La waayay….( Dhacdo Murugo ah )

( Wales ) 23 Jan 2019. Xiddiga Emiliano Sala oo ay lasoo saxiixatay kooxda Premier League ee Cardiff ayaa lagu waayay diyaar yar uu la socday jaziiradaha Channel.

Laacibka reer Argentine oo 28-jira, ayay kula soo wareegtay kooxda Wales heshiis £15m wuxuuna kamida ahaa laba qof oo ay la luntay diyaaraha yar ee loo yaqaan Piper Malibu taasoo ku luntay Alderney oo kamida jaziiradaha Channel habeen Isniinta.

Cardiff City, ayaa kala soo wareegtay cayaariyahankan kooxda horyaalka French ee Nantes Sabtidii waana heshiiskoodii ugu weynaa suuqa kala iibsiga, waxayna sheegeen in arinkan uu yahay nadxin weyn.

Image result for Emiliano Sala: Search for Cardiff City FC player's plane suspended

Booliska Guernsey ayaa sheegay in aysan jirin wax raadad ah oo ku aadan duulimaadkii saxiixa Cardiff ayna hakisay baadhitaanka habeenkii.

“ma jiraan wax calaamado ah oo aan ka helnay dulimaadka,” saraakiisha ayaa sidaa ku shaaciyay bogga Twitter-ka.

“haddii ay ku dhacday dhulka biyaha, fursada baadi goobka wuu sii socon lahaa, nasiib daro, waa mid yar.”

Boqolaal taageerayaala ayaa isugu soo baxay Place Royale, halkaa oo ay ugu baroor diiqeen xiddiga la la’yahay ee Sala iyo duuliyihii diyaarada.

Image result for Emiliano Sala: Search for Cardiff City FC player's plane suspended

Image result for Emiliano Sala: Search for Cardiff City FC player's plane suspended

Image result for Emiliano Sala: Search for Cardiff City FC player's plane suspended

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close