Messi oo Wajihi doonin Sevilla laakiin saxiixa dhawaan ee Boateng oo kamid noqday kooxda loo Magacaabay Barcelona cayaarta Koobka Boqorka

( Catalan ) 23 Jan 2019. Lionel Messi iyo Sergio Busquets ayaa laga reebay safka iyadoo saxiixa cusub Kevin-Prince Boateng loogu yeeray kooxda Barcelona ee la cayaaraysa lugta kowaad ee siddeed dhammaadka Copa del Rey naadiga Sevilla caawa.

Kaddib markii ninka reer Argentine la dhigay keydka kulankii Leganes ee Axadii, maamulaha Ernesto Valverde ayaa go’aansaday inuu nasiyo cayaariyahankiisa dheesha lugta hore ee siddeeda koox.

Dhanka kale, saxiixa dhawaan ay lasoo wareegtay Blaugrana ee Boateng ayaa isla markiiba kamida noqday safka kooxda, isla maalintii uu qeyb ka noqday tababarka kowaad ee kooxda Barcelona.

The Ghana international warms up on a cold night at the club's training centre in Barcelona

Haddaba Barca ayaa xiddigahaan u xulatay iney wajahaan Sevilla: Jasper Cillessen, Marc-Andre Ter Stegen; Nelson Semedo, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba, Sergi Roberto, Thomas Vermaelen; Ivan Rakitic, Denis Suarez, Philippe Coutinho, Arthur, Carles Alena, Arturo Vidal, Riqui Puig, Oriol Busquets; Malcom, Luis Suarez iyo Kevin Prince Boate.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close