Maxamed Saalax oo TIR-TIRAY Dhammaan Akoonadiisa Facebook, Twitter iyo xitaa Instagram…..!!(Sababta oo la Ogaaday)

(England) 23 Jan 2019. Weeraryahanak Liverpool Maxamed Saalax ayaa ka yaabsaday Taageerayaashiisa Caalamka kaddib markii uu tir-tiray dhammaan Akoonadiisa Twitter, Facebook iyo xitaa Instagram.

Sababta uu tir-tiray ayaa lagu sheegay Olale Ganacsi.

Yeelkeede, Go’aanka Saalah ayaa dhaliyay qiyaas fikradeed badan, kuwa badan ayaa farta ku fiiqay Mustaqbalkiisa Liverpool ama xiriirka aan salka lahayn ee kala dhexeeya xiriirka Kubbada cagta dalkiisa Masar.

“Go’aanka 2019: Waqtigii aan si dhab ah u xiriiri lahayn,”. Laacibka ayaa sidaa ku soo qoray Baraha Bulshada ka hor inta uusan tir-tirin Akoonadiisa, laakiin sida uu warinayo Yalla Kora maqnaanshiyiisa ee Baraha Bulshada waqti badan ma sii taagnaan doono.

Saalax ayaa dhawaan gaaray goolkiisii 50-aad ee Premier League, halka Liverpool ay hogaanka u heyso Premier League iyadoo afar dhibcood oo nadiif ah ka sarreysa Manchester City.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close