Gonzalo Higuain oo ka gudbay Tijaabada CAAFIMAAD ee Chelsea

(Europe) 23 Jan 2010. Gonzalo Higuain ayaa saakay soo gaaray magaalada London si uu u dhammeystiro heshiiska uu ugu soo biirayo kooxda Chelsea.

ANSA ayaa iminka warineysa in laacibka reer Argentina uu si dhib la’aan ah kaga gudbay tijaabada caafimaad uu u marayay Blues isagoona saxiixay heshiiska.

Waxa kaliya ee iminka harsan waa in Chelsea ay si rasmi ah ugu dhawaaqdo heshiiska

31-jirka oo dib ula midoobaya Tababarihiisii hore ee Sarri ayaa heshiis amaah ah inta ka harsan kal ciyaareedka ku joogi doona gegada Stamford Bridge ka hor inta aan loo kordhin qandaraaska ama laga dhigin mid joogta ah.

Tababaraha Reer Talyaani ayaa shirkiisa jaraa’id dhawaan ku sheegay inaysan suuro gal ahayn in Higuain uu shaxdiisa ku heysto kulanka uu berito ku wajahayo Tottenham lugta labaad ee afar dhammaadka League Cup.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close