DEG DEG: Kooxda Barcelona oo saxiixa Frenkie de Jong ku garaacday PSG

(Barcelona) 23 Jan 2019. Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa la soo saxiixatay laacibka khadka dhexe ee Ajax, Frenkie de Jong waxaana ay kaga adkaatay naadiga PSG ee dalka Faransiiska oo si weyn u doonaysay saxiixa laacibkan da’da yar.

Barcelona iyo Ajax ayaa heshiis ka gaartay saxiixa laacibka khadka dhexe ee Frenkie de Jong, waxaana uu kooxda Catalan ku soo biiri doonaa laga bilaabo 1 bisha July sanadkan 2019.

Qiimaha uu xiddigan ku soo wareegayo ayey Barca ku sheegay 75 milyan oo euro oo lagu daray 11 milyan oo dheeri ah oo ku xirnaan doonta bandhiggiisa.

Frenkie de Jong ayaa kooxda Barcelona u saxiixi doona heshiis cusub oo shan sanadood ah oo ku eg xilli ciyaareedka 2023/24.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close