DEG DEG: AC Milan oo dhammeystirtay Saxiixa Krzysztof Piatek

(Milan) 23 Jan 2019. AC Milan ayaa si rasmi ah ula wareegtay Krzysztof Piatek kaa oo ay Genoa kaga soo iibsatay adduun dhan 35-milyan oo lagu dari doono lacago Bareemiyo ah.
23-jirka reer Poland ayaa qalinka ku duugay heshiisa uu kula joogi doono kooxdiisa Cusub ilaa June 2023.
Piatek ayaa 19-gool u dhaliyay Genoa 21-kulan oo qura uu u saftay.
OFFICIAL: Krzysztof Piątek is a new Milan player. The Poland international has signed a four and a half year contract #BenevenutoPiątek pic.twitter.com/1qxGrCr0sv
— Milan Eye (@MilanEye) January 23, 2019
13-gool ayuu dhaliyay 19-kulan uu ka soo muuqday horyaalka Serie A iyo waliba lix gool uu dhaliyay labo kulan oo kaliya Coppa Italia oo ay ka mid tahay Afar uu dhaliyay kulankiisii ugu horreeyay tartankan.
beri galab ayaa loo soo bandhigi doonaa saxaafadda waxaana la warinayaa inuu doortay in loo xiro Lambarka 19-aad ee kooxda.
Piatek has decided to wear the number 19 shirt. [Sky] pic.twitter.com/YyYCLd2YlQ
— Milan Eye (@MilanEye) January 23, 2019
Gool FM.