Arsenal oo ku Dhaw iney Weyso Denis Suarez kaddib markii uu Burburay heshiiska ay kaga dooneyso Barcelona…( Maxaa la isku qabtay )

( London ) 23 Jan 2019. Arsenal ayaa ku dhaw iney wayaan saxiixa Denis Suarez bishaan iyadoo wahadalada ay kula jirto Barcelona ay burbureen, sida laga soo xigtay warbaahinta Spain.

Gunners ayaa sida ugu macquul san ku dooneysa heshiis amaaha 25-jirkaan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha January iyagoo aan awoodin iney bixiyaan lacago waa weyn.

Arsenal ayaa soo bandhigay €2-milyan oo euro oo u dhiganta (£1.7m-gini) oo lacagta deenta ah laakiin aan laga yaabin iney bixiyaan qiimaha ay sida joogtada kula wareegayaan laacibka qadka dhexe dhammaadka xagaagan.

Barcelona ayaa u muuqata mid diidan diidmada Arsenal kuwaa oo ogolaaneen iney bixiyaan lacagaha lagu burburin karo heshiisa Suarez kaa oo si amaaha ay ku rabaan.

Heshiiska uu haatan ku jiro Suarez ayaa dhacaya bisha June 2020 iyo Barca oo ka walaacsan sida uu noqonayo qiimaha xiddigooda ee suuqa kala iibsiga dhammaadka xagaagan markaa oo qandaraaskiisa uu ka harsan yahay 12-bilood.

Laakiin sida laga soo xigtay Mundo Deportivo, Suarez ayaa ka diiday Barcelona dalab heshiis kordhina taasoo ugu dambeyn burburisay wada xaajoodkii Arsenal.

Wararka ayaa sido kale sheegaya in Suarez uu u sheegay maamulaha Barcelona Ernesto Valverde inuu kooxda sii jooga ilaa dhammaadka kal cayaareedkan.

Suarez ayaa xiiso u qabin inuu ku biiro koox kale isagoo diyaar u ah inuu markale la shageeyo Unai Emery, kasoo hore ugu soo maamulay Sevilla.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close