Romelu Lukaku oo Beeniyay Hadal lasoo dhigay BARAHA BULSHADA Kaddib markii uu Sheegay inuu ku Biirayo Juventus

( Manchester ) 22 Jan 2019. ROMELU LUKAKU ayaa qaboojiyay wararka sheegaya inuu ka dhaqaaqayo Manchester United kuna biirayo Juventus.

Ninka reer Belgian oo 25-jira, ayaa hoos uga dhacay xulasha safka kowaad waxaana laga doorbiday Marcus Rashford tan iyo markii uu xilka kooxda Old Trafford si kumeel gaara ku qabtay Ole Gunnar Solskjaer.

Laakiin xiddiga £75-milyan ku fadhiya ayaa diiday ama “Beeniyay” inuu u dhaqaaqao kooxda lagu naaneyso Old Lady ama marwada duqda.

Lukaku ayaa soo dhigay fariintan barta Instagram: “Marka naceybku uusan shaqeyneen waxay bilaabaan iney sheegaan Been…”

Image result for Romelu Lukaku blasts ‘lies’ he will quit Man Utd for Juventus in angry Instagram post

Laacibkii hore ee nambarka 9-aad kooxaha Chelsea, West Brom iyo Everton ayaa kaliya United kusoo biiray bilaawga xilli cayaareedkii hore.

Balse wuxuu la kulmay xaalad kalsooni daro ah xagaagan, isagoo wax goola aan u dhalin kooxda intii u dhaxeysay 19-kii September  ilaa bilaawgii December.

Solskjaer ayaa u muuqda mid dib u siiyay hanaan cayaareed wanaagsan Lukaku tasoo markale uu ku muujiyay wax tarkiisa wuxuuna dhaliyay seddax gool shantii kulan ee lasoo dhaafay.

Lukaku walaalkii Jordan ayaa ka cayaara horyaalka talyaaniga gaar ahaan kooxda Lazio waxaana jira warar sheegaya inuu Romelu laga yaabo inuu u dhaqaaqo halkaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close