Kroos iyo Llorente oo usoo laabana Real DHEESHA Girona; Haddaba waa Sidee Xaalada Bale iyo Asensio..??

( Madrid ) 22 Jan 2019. Real Madrid ayaa kasoo kabaneysa dhibaatooyinka dhaawac iyadoo labada cayaariyahan ee Toni Kroos iyo Marcos Llorente ay diyaar u yihiin iney wajahaan Girona cayaarta Copa del Rey ee maalinka Khamiista.

Labada xiddig ayaa la tababartay cayaariyahanada kooxda todobaadkii lasoo dhaafay waxayna dareemayaan xaalad wanaagsan, sida awgeed waa war u fiican Santiago Solari ka hor inta uusan dheelin lugta hore ee siddeed dhammaadka koobka boqorka oo ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu.

Los Blancos ayaa ku qasbanaan doonta in waqti yar ay sugaan soo laabashada Gareth Bale iyo Marco Asensio, yeelkeede lama filayo iney diyaar noqdaan ilaa asbuuca xiga.

Image result for Toni kroos marcos Llorente  Bale and Asensio

Waxay bilaabeen iney ku tababartaan garoonka, inkastoo ay hoos kaga dhaceen cayaartooda, hadana waa kuwa laga taxadaro gaar ahaan Bale.

Ninka reer Wales ayaa weli kusoo laabaan inuu xirto kobihiisa kubbada cagta iyadoo taa badalkee uu ku shaqeynayo garoonka tababarka.

Ka hor Kulanka Khamiista ay wajahayaan Girona, waxaa xusid mudan in daafaca kooxda da’yarta Castilla Javi Sanchez uu ku lug lahaa tababarka kooxda kowaad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close