“Ka ciyaarista kooxda Barcelona waa riyo weyn ee ii rumoowday” – Boateng oo ka hadlay dareenkiisa

(Europe) 22 Jan 2019. Saxiixa cusub ee kooxda Barcelona Kevin-Prince Boateng ayaa wuxuu kaga soo hor muuqday saaxaafada maanta oo Talaado ag howlka shirarka ee garoonka Cump Nou.

Kevin-Prince Boateng ayaa waxaa shirkan jaraa’id ku wehliyay madaxweynaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu iyo ku xugeyn kiisa Jordi Mestre.

Jadwalka shqo ee mashquulka badan ee maanta kooxda Barcelona ayaa wuxuu ahaa in Boateng loogu soo bandhigo warbaahinta iyo taageerayaasha Camp Nou ka hor inta uusan saxiixin heshiiskan cusub.

Heshiiskan cusub uu saxiixay kadib ayuu Kevin-Prince Boateng ka hadlay dareenkiisa wuxuuna yiri:

“Aad ayaan u faraxsanahay, sharaf weyn ayay ii tahay inaan halkaan joogo, islamarkaana aan u ciyaaro kooxdaan weyn”.

“Ilma walba ee bilaaba ciyaarista kubbadda cagta, wuxuu leeyahay riyo weyn ee ah inuu u ciyaaro koox weyn ee sida Barcelona oo kale”,

“Sidaas darteed ciyaaryahan kasta ee kubada cagta ah gaar ahaan aniga, wuxuu leeyahay riyo weyn si uu u gaaro”.

“Waxaan isku dayi doonaa inaan siiyo wax walba kooxdan, waxaan qabaa in qof walba uu ogyahay sida aan u ciyaaro, way ka war qabaan heerka awoodeyda”.

“Laakiin ma doonayo inaan ka hadlo awoodeyda, ee waxaan doonayaa inaan soo bandhigo wax walba ee awoodeyda gaarsiisan tahay, si aan kaliya u caawiyo kooxdeyda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close