SHALAY waxay ahaayeen isku Koox iyo waliba isku Xul MAANTANA waa Laacib iyo Tababarihiisa….+SAWIRRO

(England) 21 Jan 2019. Daaficii hore ee Chelsea iyo xulka qaranka Ingiriiska Ashley Cole ayaa heshiis amaah ah oo inta ka harsan kal ciyaareedkan ugu soo biiray kooxda Derby .
38-jirika ayaa dib ula midoobay saaxiibkii hore ee Frank Lampard kaa oo iminka tababare ka ah kooxda ka ciyaarta heerka labaad Premier League ee Championship ka.
Cole ayaa usbuuciiba mushaar ahaan u qaadan doona 15,000 oo bound.
Lampard oo ka hadlaya imaanshiyaha saaxiibkii Ashley Coley ayaa yiri.
“Waan ku faraxsanahay inaan awoodnay inaan soo xasilino adeega Ashley Cole inta ka harsan kal ciyaareedka.
“Waa ciyaaryahan Cajiib ah, Daafac garabka bidix oo tayo leh wuxuu sidoo kale qolka dharbadelashada ku soo kordhinayaan khibrad wayn.”.
SAWIRRO:
Gool FM.