RASMI: Kevin-Prince Boateng oo TAARIIKH dhigay Kaddib markii uu ku biiray Barcelona iyo Laacibka oo Durba weeraray Real Madrid…(Muxuu yiri?)

(Europe) 21 Jan 2019. Kevin-Prince Boateng ayaa noqday laacibkii ugu horreeyay ee u dhashay dalka Ghana oo ku biira kooxda Barcelona.

Barca ayaa heshiis la gaartay kooxda Sassuolo ee dalka Talyaaniga iyagoona amaah ku qaadanaya laacibkii hore ee Milan inta ka harsan kal ciyaareedkan, waxaana heshiiska qeyb ka ah inay 8-milyan kula wareegi karaan.

Boateng ayaa durba ka hadlay kooxda Real Madrid ay sida wayn ula coltamaan kooxdiisa Cusub.

“Barcelona, waan imaanayaa inkastoo aan ka xumahay inaan ka soo tago Sassuolo waa fursad wayn,” Sidaa ayuu u sheegay Sky Sport Italia.

 

“Wax ha iga waydiini Real Madrid, waxaan doonayaa inaan diirada saaro Barcelona waxaana rajeynayaa inaan gool ku dhaliyo Bernabeu kulanka xiga ee El Clasico.

Laacibka ayaa lagu wadaa inuu saacadaha soo socda soo gaaro Nou Camp si loo dhammeystiro heshiiska isla markaana loo soo bandhigo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close