RASMI: Barcelona oo shaacisay mudada uu garoomada ka maqnaanayo Ousmane Dembélé

(Barcelona) 21 Jan 2019. Barcelona ayaa shaacisay heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca kasoo gaaray laacibkeeda reer France ee Ousmane Dembélé, inta lagu gudi jiray kulankii xalay Leganes ee horyaalka La Liga dalka Spain.

Blaugrana ayaa website-keeda ramiga ah ku shaacisay in baaritaanadii caafimaad uu maanta maray Ousmane Dembélé ay cadeeyeen in uu qabo dhaawac dhanka canqowga lugta bidix.

Wargan ka soo baxay kooxda Barcelona ayaa waxaa la sii raaciyay in mudada uu Ousmane Dembélé ka maqnaanayo garoomada ay gaareyso ilaa iyo 15 maalmood.

Laacibka reer France ayaa taasi la macno ah in uu seegi doono labada lugood kulanka Copa del Rey ay kula ciyaari doonaan kooxda Seville ee sida qorsheesan la kala ciyaari doono 23 iyo 30 January.

Sidoo kale Ousmane Dembélé ayaa wuxuu ka maqnaan doonaa safka kooxda Barcelona kulamada horyaalka La Liga ay kula ciyaari doonaan kooxaha Girona iyo Valencia, 27-ka Janaayo iyo 2-da Febraayo.

Si kastaba Ousmane Dembélé ayaa xalay ka caawiyay Barcelona in ay guul kaga gaarto 3-1 kooxda Leganes, kadib markii uu dhaliyay goolka koowaad ee ciyaarta, kahor inta uusan dhaawac ahaan kaga bixin daqiiqadii 66-aad ee qeybta labaad ee ciyaarta.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close