Marcos Rashford oo far dheeraaday Halyeeyadii hore ee Man United sida Wayne Rooney, Cristiano Rolado iyo…..

(Manchester) 21 Jan 2019. Da’yarka Manchester United Marcos Rashford ayaa far dheeraaday halyeyadii hore ee kooxda sida Cristiano Ronaldo iyo Wayne Rooney kaddib goolkii dhawaa uu ka dhaliyay kooxda Brighton.

Goolka ayaa ka dhigan in laacibka reer England uu afar kulan oo xiriir ah shabaqa gaaray Premier League markiisii ugu horreysay waayihiisa ciyaareed isagoona jabiyay Rikoodhka Cristiano Ronaldo ee ahaa laacibka ugu da’da Yar United ee afar kulan oo xiriir ah goolal ka dhaliya horyaalka England.

Ronaldo oo iminka ka tirsan Juventus ayaa heystay Rikoodhkan oo wuxuu dhigay 8-dii December 2007 kolkaa uu jiray 22-sano iyo 306 Maalmood.

Yeelkeede, Rashford ayaa jabiyay rikoodhkaas isagoona mid cusub lugtiisa ku qoray 19-kii bishan Janaayo 2019 kaddib markii uu gool dhaliyay kulankiisii afaraad oo xiriir ah  Premier League isagoo 21-jir ah iyo 80 maalmood.

EEG:

 Marcus Rashford became the youngest player in Man United history to score in four successive league games

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close