“Manchester City uma qalmin in ka badan 3 gool” – Guardiola oo fariin cad u diray ciyaartoydiisa

(Premier League) 21 Jan 2019. Macalinka kooxda Manchester City ee Pep Guardiola ayaa fariin cad u diray ciyaartoydiisa, kadib guushii ay kaga gaareen kooxda Huddersfield kulankii horyaalka Premier League.

Kooxda Manchester City ayaa guul raaxo leh ka gaartay Huddersfield Town kaddib markii ay 3-0 uga adkaatay, xili goolasha kooxda Sky Blues u kala dhaliyeen xidigaha Danilo, Raheem Sterling iyo Sane.

Guardiola ayaa kulanka kadib ka codsaday ciyaartoyda kooxdiisa inay horumar sameeyaan, xili uu Sane sheegay in Guardiola uu talo muhiim ah siiyay inta u dhexeesay labada qeyb ee ciyaarta.

“Maanta dhamaanteen waan faraxsanahay, lakiin kadib waa inaan falanqeynaa wixii aan sameynay, waa hadii aan dooneyno inaan guuleysano mustaqbalka, waa inaan si fiican u ciyaarnaa”.

“Sida aan u ciyaarnay kulanka Huddersfield, ma aanan mudaneyn inaan dhalino wax ka badan 3 gool, waxaan sameyn doonaa horumar mustaqbalka, waa inaan kulan kasta sameynaa wax walba ee awoodeenu gaarsiisan tahay, laakiin mararka qaar xaalada ayaa noqon karta mid aad u adag”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close