Juventus oo wali la celin la’a yahay, kadib markii ay guul raaxo leh ka gaareen kooxda Chievo+ SAWIRO

(Serie A)  21 Jan 2019. Juventus ayaa guul raaxo leh kaga gaartay kooxda Chievo kulankooda 20-aad ee horyaalka Serie A, kadib markii ay 3-0 kaga badiyeen.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0.

Laacibka reer Brazil ee Douglas Costa ayaa daqiiqadii 13-aad ee qeybtii hore ciyaarta hogaanka u dhiibay kooxdiisa Juventus, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0, kadib caawin uu ka helay Paulo Dybala.

Ku dhwaad dhamaadka ciyaarta gaar ahaan daqiiqadii 45-aad Emre Can ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0, waxaana markale goolkan caawiyay Paulo Dybala.

Marka la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta kooxda Juventus ayaa halkeeda ka sii waday sameynta fursadaha cajiibka ah si ay ula timaado goolkeeda 3-aad ee ciyaarta.

Garsoorka ciyarta ayaa ku abaal mariyay kooxda Juventus rigoore, balse waxaa ka qasaariyay laacibka reer Portugal ee Cristiano Ronaldo.

Daqiiqadii 84-aad Daniele Rugani ayaa ciyaarta ka dhigay 3-0, kadib markii uu goolkan ka caawiyay Federico Bernardeschi.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 3-0 ay guusha ku raacday kooxda hogaamiyaasha horyaalka Serie A ee Juventus.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close