Ilaa goorma ayaa la filayaa in Garoomada uu ka maqnaanayo Ousmane Dembélé?

(Barcelona) 21 Jan 2019. Maamulka iyo jamaahiirta kooxda Barcelona ayaa ku jira xaalad walaac ah oo ku aadan dhaawaca soo gaaray Ousmane Dembélé inta lagu gudi jiray kulankii xalay ee Leganes.

Barcelona ayaa guul muhiim ah ee 3-1 kaga gaartay xalay Kooxda Leganes, kulankoodii 20-aad xili ciyaareedkan ay ku wada ciyaareen horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Wargeyska “Mundo Deportivo” ee dalka Spain ayaa wuxuu shaaca ka qaaday mudada la rajeenayo inuu kaga soo laaban doono Ousmane Dembélé dhaawacan soo gaaray ay noqon doonto Isbuuc.

Arintan ayaa waxay la micno tahay inuu maqnaanayo kulanka lugta hore wareega quarter-final-ka ee Copa del Rey ay kula ciyaari doonaan kooxda Sevilla Arbacada soo aadan garoonka Ramon Sanchez.

Kooxda Barcelona ayaa war rasmi ah ay soo saartay waxay ku shaacisay in Ousmane Dembélé uu dhaawac kasoo gaaray canqowga lugta bidix, isla markaana lagu sameyn doono baaritaano dheeri ah maanta oo isniin ah, si loo ogaado heerka uu gaarsiisan yahay dhaawaca soo gaaray laacibka reer France.

Ousmane Dembélé ayaa laga saaray ciyaartii xalay ee Leganes daqiiqadii 66-aad, kadib markii uu la kulmay dhawaacan kasoo gaaray canqowga lugta bidix, wuxuuna go’aansaday tababare Ernesto Valverde inuu keensado badalkiisa xidiga reer Brazil ee Malcom.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close