Garsoore hore ee horyaalka Premier League oo DIGNIIN kulul u jeediyay Mohamed Salah 

(Premier League) 21 Jan 2019. Sida laga soo xigtay wargeyska caanka ah “The Sun” ee kasoo baxa gudaha dalka England, garsoorihii hore ee horyaalka Premier League Mark Halsey ayaa wuxuu fariin muhiim ah u diray xidiga reer Masar iyo kooxda Liverpool Mohamed Salah.

Laacibka reer Masar ayaa lagu eedeeyay inuu qiyaano ku sameeyo garsoorka ciyaarta in ka badan hal kulan oo kii ugu dambeeyay uu ahaa kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Crystal Palace, si loogu abaal mariyo rigoore.

Laakiin Mark Halsey ayaa kaga digay ciyaaryahanka ugu fiicanaa qaarada Africa labadii sano lasoo  dhaafay ee 2017 iyo 2018 inuusan markale ku celinin waxyaabah lagu eedeenayo ee ah inuu qiyaano sameeyo kulmada uu ciyaarayo, si aysan ugu noqonin sumcad xumo ah in garsoorayaasha ciyaarta ugu arkin mid xili kasta qiyaaneeya si uu u helo rigoore.

Mark Halsey ayaa sheegay in Mohamed Salah ay taasi ku keeni karto in aan loo xisaabinin rigoorayaal sax ah kulamada qaar, sababa la xiriira sumcadan xun.

Garsoorahan ayaa u arka in labadii rigooore ee kulmada Arsenal iyo Brighton ay ahaayeen kuwa uu u qalmay isla markaana sax ahaa.

Balse taasi badalkeeda wuxuu sheegay in labadii ciyaar ee Newcastle United iyo Crystal Palace, uu isku daayay inuu qiyaano ku sameeyo garsooraha waliba si cad ee muuqata.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close