Xidigaha Danilo iyo Leroy Sané oo siyaabo kala duwan kaga hadla guushii ay maanta ka gaareen kooxda Huddersfield

(Premier League) 20 Jan 2019. Xidigaha kooxd Manchester City ee Danilo iyo Leroy Sané ayaa waxay ka hadleen muuhiimada ay u leedahay guushii ay maanta ka gaareen kooxda Huddersfield.

Manchester City ayaa kaga adkaatay kooxda Huddersfield 3-0, kulankooda 23-aad ee horyaalka Premier League xili ciyaareedkan.

Ugu horeyn Danilo ayaa wareysi uu ku bixiyay shabakada “Sky Sports” wuxuu ku sheegay:

“Waxa inoogu muhiim sanaa maanta ayaa ahaa inaan guul gaarno, goolkii aan dhaliyay wuxuu ahaa mid aad u fiican, wuxuu caawiyay kooxda”.

“Mararka qaar waxaan isku daynaa waxyaabo ay ka mid yihiin ciyaaraha, mana sameyno wax hadal, qeybtii labaad ee ciyaarta waxaan noqonay kuwo aad u xoogan, waana arrin muhiim ah”.

Leroy Sané ayaa wuxuu dhankiisa ka hadlay guushii ay ka gaareen kooxda kooxda Huddersfield.

“Guardiola wuxuu mar walba isku dayaa inuu na siiyo xal, qof walbana wuxuu arkay farqiga u dhexeeya qaab ciyaareedka kooxda labada qeyb ee ciyaarta, sababtoo ah si wacan ayaan u ciyaarnay”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close