‘Waxaan iska diiday saddex dalab, sababtoo ah…” – Jose Mourinho

(Yurub) 20 Jan 2019. Macalinkii hore ee kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay inuu helay saddex dalab si uu u bilaawo shaqo cusub, balse uu iska diiday.

Jose Mourinho ayaa tilmaamay in sababta uu u diiday saddexdan dalab uu helay ay tahay, inuu sugayo loolan uu ka farxi karo.

Jose Mourinho ayaa laga ceyriyay shaqada tababarenimo ee kooxda Manchester United, ka dib markii natiijooyin aad u liita uu ku hogaamiyay Red Devils, gaar ahaan horyaalka Premier League.

Hadaba macalinka reer Portugal aya wareysi uu ku bixiyay shabakada “Ben Sports” wuxuu ku sheegay inuu iska diiday saddex dalab uu helay tan iyo markii uu ka tagay Manchester United.

“Waxaan iska diiday saddex dalab, si aan markale dib ugu laabto shaqada tababarka, sababtoo ah ma aanan dareemin inaan helay waxa aan raadinayay”.

“Waxaan ahaan doonaa mid dagan, mar walba aan heysto waqti fog, waxaa suuragal ah inaan ugu diyaar garoobo sida ugu fiican, tallaabada xigta waa inay noqotaa wax iga farxiya, waxaan sugayaa tartankan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close