Tababaraha AC Milan Gattuso oo si dadban u Xaqiijiyay in Higuain uu ku biirayo Chelsea

(Europe) 20 Jan 2019. Tababaraha AC Milan Gennaro Gattuso ayaa u muuqda inuu si dad ban u xaqiijiyay in Gonzalo Higuain uu ku biirayo Chelsea kaddib markii uu shaxdiisa ka reebay xiddiga reer Argentina.

Higuain ayaa lagu soo dari waayay 23-ka ciyaaryahay ay Milan berito kala hortageyso Genoa, Gattuso ayaana daaha ka rogay inuu qaatay go’aankaas kaddib markii uu la hadlay laacibka.

31-jirka ayaa qarka u saaran inuu heshiis amaah ah ugu biiro kooxda reer London.

“Waxaan doonayaa inaan si daacad ah idinla hadlo dhammaan, waxaan maanta qaadanay tababar liita sababo la xiriira wararka xanta ah,” Gattuso ayaa sidaa yiri.

“Tababarka kaddib ayaan wada hadalnay Higuain, umana arko inuu diyaar u yahay kulankan.

“Waan aqbalay go’aankan, Habaashii wax intaan ka badan ayuu sameyn karay.

“Iminka waa inaan u shaqeyno si xrifadlenimo iyo go’aan leh, Dhammaan wararkan xanta ah nama aysan caawin dhawaanahaan waana inaan horey eegnaa.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close