Mesut Ozil oo FARIINTAN la wadaagay Saaxiibadiisa Arsenal

(London) 20 Jan 2019. Tababare Emery ayaa markale keydka dhigay Mesut Ozil oo xitaa aan isticmaalin ciyaartii xalay ay Arsenal 2-0 uga adkaatay Chelsea.

Balse saa ay tahay xiddiga reer Germany ayaa fariin hambalyo ah la wadaagay saaxiibadiisa isagoona sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajeeyay Hector Bellerin oo si xun ugu dhaawacmay ciyaartii xalay.

Tababarha reer Spain ayaa doonaya inuu iska iibiyo Ozil si ay halkaa uga soo baxdo lacago uu xiddigo kale ku soo iibsado isagoo sidoo kale saluugsan lacagaha tirada badan uu mushaar ahaanta u qaato.

Yeelkeede, in keydka la dhigo Ozil kama hor istaagin inuu Hambalyo la wadaaga asxaabtiisa wuxuuna boggiisa Instagram soo dhigay:

“Hambalyo dhammaan kooxda.

“Si fiican baad u ciyaarteen Gunners.

“Waxaan soo kabasho deg deg ah u rajeynayaa Hector Bellerin.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close