Manchester City oo si Xarago leh uga soo adkaatay Huddersfield…+SAWIRRO

(England) 20 Jan 2019. Manchester City ayaa guul raaxo leh ka gaartay Huddersfield Town kaddib markii ay 3-0 uga adkaatay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0.

Daafaca reer Brazil Danilo ayaa hogaanka u dhiibay City daqiiqadii 18-aad kaddib markii laad kulul uu soo tuuray ay qof ku sii dhacday sidaana shabaqa u gashay.

Goolka ayaa uga dhignaa Man City inay dhalisay goolkoodii Boqolaad ee dhammaan tartamada Kal Ciyaareedkan waana kooxda ugu horreysa 5-ta horyaal ee ugu waa wayn Yurub oo tiradaasi gaarta.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta Raheem Sterling ayaa goolka labaad u dhaliyay daqiiqadii 54-aad kaddib markii uu Madaxa ku dhammeystiray baas fiican uu ka helay Sane.

Sane oo ka shaqeeyay goolka labaad ayaa dhaliyay goolka saddexaad daqiiqadii 56-aad kaddib markii uu si qurxoon u dhammeystiray baas uu ka helay Sergio Aguero.

SAWIRRO:

Gool FM.

 

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close