“Ma Ordi karo, Wax ma Difaaci karo, Gool ma Caawin karo, waxaa u dheer Baas Bilaash ah iyo…..”.-

(London) 20 Jan 2019. Chelsea ayaa qal-qal badan galisay suuro-galnimada inay afarta sare ku dhammeysan karto Premier League kal ciyaareedkan kaddib guul daradii ay xalay kala kulmeen Arsenal oo 2-0 ku martay.

Ma ahan oo kaliya in laga adkaaday Blues oo waxay sidoo kale ku fashilmeen inay hal kubbad xitaa goolka la bartilmaameedsadaan 90-ka daqiiqo ee ciyaarta.

Daaficii hore ee Manchester United iminkana wax ka falanqeeya hilinka BT Sport ayaa si xun ugu raftay laacibka qadka dhexe Chelsea ee Jorginho oo uu ku sheegay inuusan waxba galin.

Image result for 'DOESN'T GIVE YOU ANYTHING' Chelsea midfielder Jorginho blasted by Rio Ferdinand after dud performance against Arsenal

Wuxuu sheegay inuusan ordi karin, Kubbad wax gal ah baasi karin isla markaana uusan waxba difaaci karin.

“Jorginho waa ruux wax ka badela sida ay ciyaarta u socoto waase marka uu kubbad ka helo meelaha ku dhow daafaca kooxdiisa, aaduu u fiican yahay,” Ferdinand ayaa sidaa yiri.

“Laakiin meeqo caawin ayuu sameeyay xilli ciyaaredkan? ku dhawaad 2,000 oo Baas, Caawin ma jirto.

“Daafaca kuma fiicna. Ma ordi karo.

“Daafac ahaan waxba kuguma tarkoorna, dhanka weerarkana waxba kuguma tarayo.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close