Manchester United oo qarka u saaran in ay heshiis waqti dheer ka saxiixato mid ka mid ah xidigaheeda ugu muhiimsan

(Manchester) 19 Jan 2019. Manchester United ayaa qarka u saaran in heshiis cusub ee waqti dheer ay ka saxiixato mid ka mid ah xidigaheeda ugu muhiimsan xiligan garoonka Old Trafford

Anthony Martial ayaa qarka u saaray in kooxdiisa Manchester United uu qalinka ugu duugo heshiis cusub uu mufo fog ku sii joogayo garoonka Old Trafford.

Shabakabada “Sky Sports” ee dalka England ayaa shaacisay in Anthony Martial ku dhow yahay inuu saxiixo heshiis cusub ee gaarsiisan ilaa iyo 5 sano.

Labada dhinac ayaa ku soo jiray xiliyadii lasoo dhaafay wada hadal ku aadan heshiiskan cusub, wuxuuna haatan wada hadalka marayaa marxaladii ugu dambeesay, waxaana si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa xiliyada dhow ee soo aadan.

Wargayska ayaa sheegay in xiddiga reer France uu iska diiday dalab kaga yimid kooxdiisa si uu u cusbooneysiiyo qandaraaskiisa bishii lasoo dhaafay ee October, xiligaas uu Jose Mourinho tababare ka ahaa kooxda.

Anthony Martial ayaa inta badan lala xiriirinayay inuu ka tagayo kooxda Manchester United, wuxuuna si weyn qarka ugu foolay ku biirista kooxda Chelsea xili ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Martial ayaa ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan xiligan ee kooxda Manchester United, isagoo kalsooni xoogan ka helay macalinka ku meel gaarka ah ee Red Devils Ole Gunnar Solskjær.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close