Liverpool oo guul Dirqi ah ka gaartay Crystal Palace iyo United oo Weli la joojin la’yahay guulahooda…+SAWIRRO

( Premier League ) 19 Jan 2019. Liverpool ayaa guul ay ku dhibtootay ka gaartay Crystal palace markii ay kaga badiyeen 4-3.

Dheesha ayaa qeybta hore lagu kala maray 1-0 oo ay ku hogaanimeysay kooxda Palace, Waxaana goolka daah furka kulanka dhaliyay Andros Townsend kaddib caawin uu ka helay Wilfried Zaha.

Dib markii loogu soo laabtay kaambiayah labaad durba Reds ayaa la timid goolka bar-barha waxaana shabaqa u gaaray Maxamed Saalax.

Kulanka oo socda daqiiqadii 53-aad Roberto Firmino ayaa hogaanka u weeciyay dhanka kooxdiisa markii uu dhaliyay goolka labaad.

Intaa kaddib Crystal Palace ayaa heshay goolka bar-barah dhankooda waxaana goolka u gaaray James Tomkins.

Balse 10-daqiiqo kaddib Saalax ayaa Liverpool kusoo celiyay hogaanka oo goolka seddaxaad u dhaliyay kooxda horyaalka hogaanimeysa.

Goolasha Liverpool waxaa dhammaadka kulanka soo xiray Sadio Mane oo goolka afaraad dhaliyay inkastoo xiddigaha kooxda martida ay ka cabteen goolka madaama uu ahaa offside ama leen dhaaf.

Waqtigii dheeriga kulanka ayaa waxaa Palace goolka seddaxaad u dhaliyay laacibka badalka kusoo galay ee Max Meyer.

Cayaarta waxaa laga saaray James Milner oo laba jaale qaatay qeybtii dambe kulanka. Waxayna guushan Reds kaga dhigan tahay iney hogaanka ku qabtaan 7-dhibcood.

Dhanka kale United ayaa gaartay guushii lixaad oo xariira Premier League markii ay 2-1 ku dhaafeen Brighton.

Labada gool ayay United dhalisay qeybta hore dheesha waxaana u dhaliyay xiddigaheeda Pogba iyo Rashford.

Kooxda martida ee Brighton ayaa goolka calanka waxaa u dhaliyay cayaariyahanka Pascal Gross.

Manchester United ayaa haatan soo gashay kaalinta lixaad iyagoo leh 44-dhibcood waxayna seddax dhibcood u jiraan Chelsea oo la balansan Arsenal inkastoo ay Gunners kaalinteeda kusoo laaban karto haddii ay garaaceen kooxda London ay kawada dhisan yihiin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close