Klopp oo si cajiib ah kaga hadlay guushii ay ka gaareen Crystal Palace iyo bandhigii fiicnaa uu sameeyay Salah

(Premier League)  19 Jan 2019. Macalinka kooxda Liverpool ee Jürgen Klopp ayaa xaqiijiyay inuu horey u saadaaliyay in ay tahay ciyaar adag kulanka ay caawa la ciyaareen Crystal Palace, kaasoo ka tirsanaa kulamada 23-aad ee horyaalka Premier League.

Jürgen Klopp ayaa kadib ciyaarta wareysi uu ku bixiyay shabakada caanka ah ee BBC wuxuu ku sheegay:

“Waan ogeyn in kulankan uu noqon doono mid aad u adag, Crystal Palace sida caadiga ah, bandhig fiican ayay ku hor sameeyaan Liverpool xili kasta”

“Waa koox aad ugu wanaagsan weerarada gaadmada ah, Wilfried Zaha waa ciyaaryahan qaab ciyaareedkiisa uu aad u fiican yahay, wuxuuna ku fiican yahay go’aan qaadashada marka ay sheekadu tahay ciyaaryahan iyo ciyaaryahan, waxaan u baahnayn inaan noqono kuwo fiican”.

“Waxaan isku dayeynay inaan xakameyno ciyaarta, balse kuma aanan raaxeysanin dulqaad, sidaas darteed waxaan isku dayeynay inaan ka ciyaaro, meelo yaryar, Waxaan qabaa in goolka labaad uu ahaa qalad uu sameeyay van Dijk, laakiin waxaan nasiib u yeelanay inaan dhalino goolka 3-aad”.

“Natiijada aad ayay u fiicneyd, hada waxaan gaarnay 60 dhibcood, taasoo ah waali, balse waa Nomabar muhiim ah, waana ku faanayaa, haatan waxaan heysanaa maalmo si aan uga soo kabano daalka”.

Ugu dambeyntii Jürgen Klopp ayaa ka hadlay waxqabadka wanaagsan ee Mohamed Salah, kadib markii uu kulankan ka dhaliyay 2 gool wuxuuna yiri:

“Sida ugu fudud waa ciyaaryahan caalami ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close