Arsenal oo dib ugu soo laabatay kaalinta 5-aad, kadib markii ay guul muhiim ah ka gaartay kooxda Chelsea kulankii adkaa ee London Derby..+SAWIRRO

(Premier League) 19 Jan 2019. Kooxda Arsenal ayaa guul wayn ka gaartay dhigeeda Chelsea oo marti ugu ahayd Emirates Stadium, kulankii London derby ee horyaalka Premier League,  kaddib markii ay ku garaaceen 2-0.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 2-0.

14 daqiiqo marka ay ciyaarta ahayd Alexandre Lacazette ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiis Arsenal, kadib markii caawin ka helay Hector Bellerin, ciyaarta ayaa sidaas ku noqotay 1-0,

Isla qeybtii horey ciyarta daqiiqadii 39-aad Laurent Koscielny ayaa ciyaarta ka dhigay 2-0, waxaana uu dhaliyay gool madax aad u qurux badan, xili uu goolkan ka caawiyay Sokratis.

Markii la isku soo laabtay qeybta labaad ee ciyaarta Chelsea ayaa ciyaarta ku soo gashay dardar xoogan, si ay ciyaarta ugu soo laabtaan, iyagoo sameeyay fursado halis ah ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 70-aad ee qeybta labaad ciyaarta difaaca garabka midig reer Spain ee kooxda Arsenal Hector Bellerin ayaa garoonka looga dhex qaaday dhaawac daran ee ka soo gaaray dhanka Jilibka.

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-0 ay guusha ku raacday kooxda ku ciyaarta Emirates Stadium ee Arsenal.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close