Tababare Sarri oo ka hadlay Sheekada Higuain iyo Chelsea…..(Maxaa ka jira wararka sheegaya inay Sabtida kala hortagayaan Arsenal??)

(England) 18 Jan 2019. Chelsea ayaa la sheegay inay heshiis la gaartay kooxda Juventus oo ku aadan inay Gonzalo Higuain amaah ku qaataan inta ka harsan kal ciyaareedka iyagoo waliba 12-bilood oo dheeri ah ka saxiixan kara haddii uu laacibka ka soo boxo bartilmaameedyo la hor dhigi doono.

Warar kuwaa ka dheereeya ayaa xitaa sheegay in Tababare Sarri uu doonayo inuu shaxdiisa ku heysto dhaliyaha reer Argentina kulanka ay Habeen dambe ku wajahayaan kooxda Arsenal.

Yeelkeede, tababare Sarri oo hadlay ka hor kulanka Gunners ayaa ka dhawaajiyay inuusan war iyo wacaal u hayn halka ay sheekadu mareyso.

“Ma garanayo,” Sarri ayaa sidaa yiri.

“Waxaan doonayaa inaan si cad u hadlo, Waxaan la hadlay Marina labo usbuuc ka hor, way ogtahay fikirkeyga intaa kaddib waxaan go’aansaday inaan diirada saaro garoonka iyo Tababarka.

Image result for Sarri and Marina“Waan ogahay in Marina ay u shaqeyneyso si aad u adag, laakiin waxba kama ogi suuqa.

“Habeen kasta ma woco iyada, haddii kale tamarteyda oo dhan waxaan ku bixinayaa suuqa, waxaa fiican in tamar maskaxeyd aan ku bixiyo garoonka.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close