Solari oo hadal farxad leh la wadaagay jamaahiirta kooxda Real Madrid, kahor kulanka Sabtida ee Sevilla

(Real Madrid) 18 Jan 2019. Macalinka reer Argantina iyo kooxda Real Madrid ee Santiago Solari ayaa xaqiijiyay in Karim Benzema uu diyaar u yahay in uu markale kasoo muuqdo Los Blancos.

Hadalka Santiago Solari ayaa wuxuu imaanayaa, xili dhawaan la xaqiijiyay in uu marayo qaliin looga sameenayo faraha gacantiisa midig.

Karim Benzema ayaa la kulmay dhaawac, wuxuuna ka jabay faraha gacantiisa midig, iyadoo ay soo baxeen warar tilmaamaya suurtogalnimada ah in qaliin lagu sameynayo.

Sidaas darteed Benzema ayay wararku tilmaameen inuu seegayo kulanka Sevilla ee horyaalka La Liga ay la ciyaari doonaan habeen danbe Sabtida ah, iyo ciyaarta Arbacada soo aadan ee Copa del Rey.

Hadaba tababare Santiago Solari oo kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka Sevilla ee horyaalka La Liga ayaa wuxuu yiri:

“Benzema ma mari doono qaliin, haa Karim wuxuu ka dhaawacmay faraha gacantiisa midig”.

“Mana jirto wax dhibaato ee ku aadan inuu ka qeyb qaato kulanka bari ama kulanka Arbacada”.

“Waxaan u maleynayaa inuu wanaagsan yahay, waana ku faraxsanahay inuu markale nala joogo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close