Isku aadka wareega siddeeda kooxood ee Copa del Rey oo la sameeyay — (Barcelona iyo Sevilla oo isku aaday, kooxdee qoorta loo galiyay Real Madrid?)

(Spain) 18 Jan 2019. Waxaa la soo saaray isku aadka wareega siddeed dhammaadka Koobka Copa del Rey iyadoo uu meesha ka dhashay kulamo aad u adag, sida kulanka ay wada ciyaari doonaan kooxda difaacaneysa koobkan ee Barcelona iyo Sevilla.

Kooxda Real Madrid ayaa la ciyaari doonto dhigeeda Girona oo tartankan wacdaro kasoo dhigtay wareegii lasoo dhaafay, kadib markii ay kasoo cirib tirtay Atlético Madrid.

Sidoo kale isku aadkii maanta la sameeyay waxaa isaga beegmay kooxaha Getafe vs Valencia iyo sidoo kale Espanyol vs Real Betis.

Sida qorshaha uu yahay lugta hore ee kulamadan ayaa la kala ciyaari doonaa 23 iyo 24-ka bishan janaayo, halka lugta labaad la ciyaari doono maalmaha 30-ka iyo 31-ka ee isla bishan.

Real Madrid vs Girona.

Getafe vs Valencia.

Sevilla vs Barcelona.

Espanyol vs Real Betis.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close