Arsenal oo 35 milyan ginni ku dooneysa badalka Mesut Ozil

(Arsenal) 18 Jan 2019. Kooxda Arsenal ayaa dooneysa inay sameyso saxiixa ciyaaryahan cusub, si ay kaga dhigato badalka Mesut Özil.

Mesut Özil ayaa haatan khilaaf xoogan kala dhexeeya tababaraha reer Spain ee kooxda Arsenal Unai Emery, taasoo ka dhigtay in lala xiriiriyo inuu ka tagayo Gunners.

Image result for Hirving Lozano,

Wargeyska “The Sun” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Arsenal ay isku diyaarineyso lasoo saxiixashada xidiga reer Mexico iyo kooxda PSV Eindhoven ee Hirving Lozano.

23 jirkan ayaa wuxuu bandhig cajiib ah kasoo sameeyay koobkii aduunka 2018 ee lagu qabtay dalka Russia, isagoo ilaa iyo haatan xili ciyaareedkan u dhaliyay kooxda PSV 15 gool .

Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay 35 milyan ginni ku dalbato ciyaaryahanka reer Mexico ee Hirving Lozano inta lagu gudi jiro bishaan Janaayo, iyadoo sidoo kale kooxo badan ee Yurub ah ay doonayaan sameynta saxiixa ciyaaryahankan.

Wargeyska “The Sun” ayaa sidoo kale sheegay in Arsenal ay raacdo ugu jirto xidig ay badal kaga dhigato Mesut Özil, kasoo dhibaato ka heysata in kulamo yar uu ka soo muuqday xili ciyaareedkan qorshaha Unai Emery, sababa la xiriir dhaawacyo uu laacibkan la kulmay iyo sidoo kale khilaaf kala dhexeeya macalinka reer Spain.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close