ARAG SAWIR Laga sameeyay Higuain oo imaanaya Chelsea iyo Morata oo ka tagaya

(London) 19 Jan 2019. Tababare Sarri ayay ka go’an tahay sidii uu dib ula midoobi lahaa weeraryahankiisii hore ee Gonzalo Higuain.

Tababaraha reer Talyaani ayaa xitaa doonayay inuu dhaliyaha reer Argentina ku heysto shaxdiisa kulanka Sabtida ee Arsenal balse mid suuro gal ah uma muuqato maadaama uusan weli heshiisku dhicin isla markaana kulanka la ciyaari doono habeen dambe.

Blues ayaa la sheegayaa inay heshiis la gaartay Juventus oo ku aadan inay amaah ku qaadato Higuain inta ka harsan kal ciyaareedka iyadoo waliba 12 bilood oo dheeri ah ka saxiixan karta haddii uu ka soo dhalaalo bartilmaameedyo la hordhigi doono.

Dhanka kale Alvaro Morata ayaa la warinayaa inuu heshiis la gaaray kooxda Atletico Madrid ee dalka Spain isagoona dib ugu laaban doona Magaalada Madrid oo uu waqti fiican kula soo qaatay Real Madrid.

The Sun ayaa Sawirkan ka sameysay imaanshiyaha Higuain iyo tagista Morata:

 Maurizio Sarri greets his old friend Gonzalo Higuain as Alvaro Morata jets off

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close