“War waxaa kuu Fiican inaad kooxda isaga tagto haddii kale.”.- Sheekada Ozil iyo Tababare Emery oo gaartay meeshii ugu Xumeyd

(London) 17 Jan 2019. Sheekada Mesut Ozil iyo tababare Unai Emery ayaa gaartay meeshii ugu xumeyd kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in macalinka reer Spain uu u sheegay kubbad qaabeeyaha reer Germany inay u fiican tahay inuu kooxda isaga tago haddii kale uu ku dhibtoon doono Arsenal.

Ozil ayaa durba seegay sagaal kulan oo Premier League sababo la xiriirta dhaawacyo iyo mid uu Emery ku sheegay sababo Farsamo.

Tababare Emery ayaa la aaminsan yahay inuu sameynayo warbixin uu 30-jirka uga saarayo xulashada safka hore ee kooxdiisa maadaama uu u arko inuusan mustaqbal ku lahayn Emirates.

David Ornstein ee ka howl gala hilinka BBC ayaa barnaamijka BBC 5 Live daaha uga rogay in tababaraha reer Spain uu Ozil u jeediyay inay u fiican tahay inuu isaga tago Arsenal haddii kale uu ku dhibtoon doono sidii uu fursad ugu heli lahaa safka hore.

Yeelkeede, Laacibkii hore ee Real Madrid ayaa la sheegayaa inuu dhawaanahaanba tababar dheeri ah ka sameynayay xerada tababarka kooxda sidii uu safka hore ugu soo laaban lahaa.

 Ozil, however, is committed to Arsenal and puts in extra work in training to get himself fit

Waa la arki doonaa cidda ku guuleysata dagaalka ka dhexeeya Emerey iyo Ozil.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close