Nacho Fernandez oo fariin adag u diray kooxaha kasoo horjeeda Real Madrid

(Real Madrid) 17 Jan 2019. Difaaca kooxda Real Madrid Nacho Fernandez ayaa muujiyay sida uu ugu qanacsan yahay inay u gudbaan wareega quarter-finalka ee tartanka Copa del Rey, inkastoo guuldaro 1-0 ah ay kala kulmeen xalay kooxda Leganes.

Wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa soo xigtay wareysi uu bixiyay kulanka kadib Nacho Fernandez isagoo ka hadlay waxyaabo badan ee quseeya kooxdiisa Real Madrid.

“Real Madrid waxay caadeysatay in wax walba ay ku guuleysato”.

“Waxaan ku qanacsanahay inaan u soo baxno wareega xiga ee tartanka Copa del Rey, balse kuma faraxsani dhamaantayada waxa aan sameenay qeybta hore ee ciyaarta”.

“Laakiin qeybta labaad ee ciyaarta aad ayaan u soo fiicnaanay, waxa ugu muhiimsan ayaa ah, inaan guuleysano kulamada soo aadan”.

“Si aan u helno kalsooni badan, waxaan u baahanahay 4 ama 5 guul ee xiriir ah inaan badino”.

“Xaqiiqdii Real Madrid waxay ka guuleysan kartaa koox kasta, waxaan had iyo jeer ixtiraamnaa tartamayaasha kale”.

“Waxaan rajeynayaa in xilli ciyaareed kasta aan ku dhameysano, sida aan kaga soo dhameysanay xili ciyaareedyadii lasoo dhaafay, way adag tahay, balse Real Madrid waxa ay u dagaalameysaa wax walba”.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close