Jordi Alba oo ugu dambeyntii go’aamiyay mustaqbalkiisa kooxda Barcelona, muxuuse ka yiri saaxiibkiis Messi?

(Barcelona) 16 Jan 2019. Difaaca kooxda Barcelona ee Jordi Alba ayaa go’aamiyay mustaqbalkiisa garoonka Cump Nou, isagoo tilmaamay in uu rajeenayo in kubada cagta uu kaga fariisto kooxda Blaugrana.

Intaas kadib Jordi Alba ayaa sheegay in Lionel Messi uu yahay ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda kubada cagta aduunka.

Jordi Alba ayaa ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka ugu xaawaaraha dheereeya gobolka Catalonia sanadka 2018.

Difaacan reer Spain ayaa wuxuu ka hadlay dhowr arimood qaas ah, sida arinta ku aadan hehiis kordhintiisa kooxda Barcelona wuxuuna yiri:

“Hadii aan ku kaftamo, Barcelona waa kooxda nolosheyda, waxaana doonayaa in halkaan aan kaga fariisto kubada cagta”

“Hamiga kooxda ee xili ciyaareedkan, aan sii wadno inaan ku guuleysano saddexleyda taariikhiga ah, waa arin aad u adag, laakiin waan jeclahay in sidaas ay dhacdo”.

Ugu dambeyn Jordi Alba ayaa sheegay in saaxiibkiisa Lionel Messi uu yahay ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda kubada cagta ee aduunka.

“Aniga iyo Messi waxaan isugu fahanaa garoonka dhexdiisa, qaab halis ee cajiib ah, waa ciyaaryahanka ugu fiican taariikhda, way ii sahlan tahay inaan kula ciyaaro isla isaga kooxdan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close