“Innaga ayaa ku guuleysaneyna Premier League kal ciyaareedkan, waan HUBAA midaas.”.-

(England) 16 Jan 2019. Tartanka Premier League ee kal ciyaareedkan ayaa ah mid aad u adag oo xiiso badan iyadoo ay qoorta iskula jiraan kooxaha Liverpool iyo Manchester City.

Reds ayaa afar dhibcood hogaanka ku heysa, Weeraryahankooda Sadio Mane ayaana cod dheer oo kalsooni ku jirto ku sheegay inay kal ciyaareedkan ku guuleysan doonaan horyaalka Ingiriiska markii ugu horreysay 29-sano kaddib.

Liverpool ayaa lagu jees-jeesay 2014-kii mar ay qarka u saarneyd horyaalka balse uu garoonka ku dhex kufay  Steven Gerrard kulan ka dhacay Anfield oo ay ka adkaatay Chelsea.

 Steven Gerrard's slip to let in Demba Ba cost Liverpool the title five years ago

Laakiin Mane ayaa sheegay in sheekadaas la soo soo dhaafay isla markaana ay cashar ka barteen halkaas.

“Tani ma ahan koox faashiliin ah, waxaan noqon doonaa horyaalka,” Mane ayaa sidaa yiri.

“Waan hubaa inaan ku guuleysan doona horyaalka Ingiriiska.

 Virgil van Dijk has transformed the Liverpool defence since his arrival a year ago

“Marka aan soo tooso, ma aado garoonka tababarka anigoo ka fikiraya inaynaan ku guuleysan doonin horyaalka.

“Way naga go’an tahay inaan muujino inaan nahay kooxda ugu fiican horyaalka.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close