HORDHAC: Juventus v AC Milan, Finalka Supercoppa Italia

( Jeddah ) 16 Jan 2019. Juventus iyo AC Milan ayaa isaga hor imaan doona koobka Finalka ee Suprecoppa Italia.

Bianconeri ayaa ku guuleysatay Coppa Italia kaddib markii ay garaaceen AC Milan Laakiin guuldarro ayay la kulmeen labadii Finaalka ee Koobkan ugu dambeysay.

Ogeysiiska Cayaarta

Tartanka: Supercoppa Italia

Waqtiga: 08:30 pm ( SGA )

Garsooraha: Luca Banti

Garoonka: King Abdullah Sports City

Wararka Kooxaha

Massimiliano Allegri ayaa heysta daafac yari, laakiin wuxuu awoodi doonaa inuu seddax dambe ka doorbiyo afartiisa daafac.

Mario Mandzukic ayaa sido kale la heli Karin, waxay taas la micno tahay in malaha Douglas Costa uu kusoo bilaabanayo garabka weerarka kaddib bandhig wanaagsan uu muujiyay cayaartii Coppa Italia.

Paulo Dybala iyo Cristiano Ronaldo ayay suuragal tahay iney dhameystiraan weerarka seddaxda hore, iyadoo Federico Bernardeschi uu seegayo kulankan.

Gonzalo Higuaín oo amaah kaga soo tagay Juventus isagoo ku biiray AC Milan, ayaa sheegay in diyaar uu u yahay inuu dhaqaaqo Chelsea. Inkastoo shaki la galinayo mustaqbalkiisa, balse waxaa la filayaa inuu cayaaro dheeshan.

Suso ayaa ganaax ku maqan, sidaa darteed Milan ayay u badan tahay iney ku dhibtoodana iney abuuraan fursad gooldhaline.

Sababtan darteed, Paquetá ayaa laga yabaa inuu markale kusoo bilaawdo shaxda kaddib markii uu kulankiisii ugu horreeyay saftay cayaartii Coppa Italia ay wajaheen Sampdoria.

Xaqiiqooyinka Dheeshan

Juventus ayaa badisay labadii kulan ee kooxahan is wajaheen xagaagan, waxaana kamida cayaar 3-1 ay ku badisay Bianconeri markii labada koox ay ku kulmeen Turin bishii March ee sanadkii hore.

Rossoneri ayaa ku guuleysan horyaalka tan iyo 2011 iyagoo sameeyay taariikh weyn markii ay gareen finalka Coppa Italia 16-kaddib iyagoo wareega afar dhammaadka 6-3 wadar gooleed ah kaga soo baxay  Roma.

Shaxda Macquulkaa

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close