“Cristiano waa ciyaaryahan cajiib ah” – Gennaro Gattuso oo ka hadlay kulanka caawa ee Supercoppa Italia

(Supercoppa Italia) 16 Jan 2019. Macalinka kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa qirtay in kooxdiisa ay dhibaato kala kulmi doonto kulanka caawa ay kula ciyaari doonaan Juventus koobka Supercoppa Italia.

Kooxaha Juventus iyo AC Milan ayaa isaga hor imaan doona koobka Finalka ee Suprecoppa Italia.

Hadaba Macalinka kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa kahor kulanka caawa ee Supercoppa Italia wuxuu kasoo muuqday shir jaraa’id wuxuuna ka hadlay dhowr arimood ee quseeya kooxdiisa.

“Juventus waxay leedahay shakhsiyad weyn, si fiican ayay u taqaanaa sida loola macaamilo kulamadan oo kale”.

“Tani waxay ku muujiyeen Talyaaniga iyo Yurub sanadihii lasoo dhaafay, laakiin kooxda xoogan mar walba kuma adkaan karto kubada cagta”.

“Kulankan waxaa jiri doona dhibaatooyin badan, waxaan doonayaa inaan arko Milan, oo aan ku arkay magaalada Turin xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, kulankii Juventus, waxaa jiri doona ruux weyn iyo rabitaan weyn”.

“Cristiano waxa uu ahaa ciyaaryahan cajiib ah sanadihii u danbeeyay, waa ciyaaryahan aad u wanaagsan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close