WOOOOW CAJIIB: Goolhaye Ederson oo Goolka ku CAAJISAY ciyaartii Xalay ee Wolves isagoona QADKA DHEXE kula soo biiray Xiddiga Man City…(DAAWO)

(Manchester) 15 Jan 2019. Manchester City ayaa soo yareysay farqiga dhibcaha ee Liverpool kaddib markii ay 3-0 xalay uga adkaatay Wolverhampton.

Kooxda martida ahayd ayaa waxaa kaarka cas ka qaatay Willy Boly taa oo keentay in goolhayaha City Aderson uu wax cadaadis ah la kulmin isla markaana uu ku caajisay goolka.

Wiilka reer Brazil ayaa kubbad  ‘through ball’ ahayd oo loo soo tuuray Adama Traore xabadka saartay isla markaana qadka dhexe la soo galay.

 Ederson's heat map against Wolves shows his spell in midfield
Waa Qariirad Muujineysa meelaha uu Kubbadaha ku taabtay Goolhaye Aderson kulankii Xalay

Baasaska loo yaqaano one-twos ayay saaxiibadiisa  Ilkay Gundogan iyo Fernandinho isku dhaafsadeen qadka dhexe ka hor inta uusan dib ugu laaban goolka.

Taageerayaasha City ayaa aad ula dhacsanaa goolhayahooda.

HADDABA DAAWO Aderson oo qadka dhexe soo galay:

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close